Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah wasiirka Gaashandhiga Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya aaney kamid noqon doonin Shisheeyaha qeybta ka ah duullaanka Soomalaiya sanadka cusub ee 2025ka.
Itoobiya ayuu sheegay iney ka hartay howlgalka “AUSSOM” OOSOM, tani oo illaa iyo hadda aan la xaqiijin karin dhabnimadeeda.
Dad badan ayaa aaminsan in xitaa Itoobiya haddii aaney kamid noqon ciidamada Midowga Afrika ee duullaanka ku jooga Soomaaliya, ay si iskeed ah usii wadan doonto duullaankeeda, maadaama hadaba kumanaan askari oo aan qeyb ka ahayn ATMIS ay ka joogaan magaalooyinka Soomaaliya.