Saturday, January 18, 2025
HomeAll NewsDanyarta Muqdisho oo Ka Hadlay Gurmad ay Dowladda Federaalka u direyso Maraykanka.

Danyarta Muqdisho oo Ka Hadlay Gurmad ay Dowladda Federaalka u direyso Maraykanka.

Dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Muqisho ayaa ka hadlay, hey’ad taabacsan Dowladda Fedaraalka oo la sheegay iney gargaar udireyso magaalada gubaneysa ee Los Angeles.

Hay’adda Sodma ee Maareynta musiibooyinka, oo ah hay’ad ay Dowladdu Federaalku dhistay, ayaa waxaa lasoo warinayaa iney gargaar u direyso magaalada Los Angeles, taas oo gabi ahaanba gubatay kadib dab todobaadkii 2aad si xiriir ah kaga socda magaaladaas.

Horay waxa ay DF usoo saartay war ay ku sheegeyso iney ka xun tahay waxa ka soconaya Los Angeles, dhibaatadana ay la qeybsaneyso dadka Ameerikaanka ah.

Dadka danyarta ah ee ku nool Muqdisho ayaa waxa ay wax lala yaabo ku tilmaameen, in iyagoo ku dhibaateysan magaalada Muqdisho aysan waxba u qaban Dowladda Fedaraalka, taas badalkeedana ay gurmad udireyso magaalada Los Angeles ee Mareykanka.

Hay’adan oo magac ahaan wadata u gargaaridda dadka tabaaleysan, ayaa kamid ah meelaha ugu musuq maasuqa badan, raashiinka loogu talogalay dadka dhibaateysan ayayna ka iibstaa suuqyada Muqdisho.

Halkan kala deg Faafaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments