Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal-beeleedyo dib uga qarxay deegaanno katirsan gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan.
Dagaallada ayaa lasoo warinayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 15 ruux, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxa ayna si gaaar ah kaga dhaceen inta u dhaxeysa deggaannada Jiicboor iyo Saax-qurun ee galbeedka Mudug.
Maamulka la baxay Puntland ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay dagaall-beeleedyada ka socda gobalka Mudug, iyadoo maamulkaas uu isana Dowladda Fedaraalka ku eedeeyo iney iyadu hurineyso colaadaha.