Friday, January 17, 2025
HomeAll NewsRuushka iyo Ukraine oo Markale Maxaabiis Isweydaarsaday.

Ruushka iyo Ukraine oo Markale Maxaabiis Isweydaarsaday.

Maalintii shalay xukuumadaha Ukraine iyo Ruushka ayaa ku dhawaaqay iney is dhaafsadeen maxaabiis dagaal oo gaaray 50 ruux.

Labada dhinac ayaa mid waliba wuxuu sii daayay 25 qof oo maxaabiis ahaa, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 50 qof labada dhinac ah.

Talaabadan maxaabiis is dhaafsiga ayaa ah tii ugu horreysay oo ay sanadkan 2025 qaadaan labada dowladaha Ukraine iyo Ruushka, oo dagaal ka dhexjiro.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo aad ugu reer Galbeedka ayaa labadan xukuumadood ee dagaalku ka dhexeeyo ufududeysay iney wada hadlaan.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiis idhaafsigan uu yimid kadib wadahadallo xooggan oo dhexmaray xukuumadood, waxayn intaasi ku dartay in 25 qof ee lasoo daayay ay ku sugan yihiin wadanka Belarus, halkaasi oo ay howlo la xiriira caafimaadkooda loogu qabanayo, kadibna looga sii qaadi doono Ruushka, sida wasaaraddu sheegtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments