Cali Maxamed Axmed oo ah xildhibaan hore oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in Maamulka Yahuudda uu xiriir wanaagsan maamulka la baxay Soomaaliland.
Cali ayaa xaqiijiyay inuu jiro xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya maamulka la baxay Soomaaliland iyo Yahuudda, taas oo maalimihii lasoo dhaafay lagu xusayay warbixinno kala duwan.
Waxa uu tilmaamay in Dowladda Fedaraalka ay tahay mid taag-daran Xasan Sheekha uusan Shisheeye siin karin baddaas, Yahuuddana ay had iyo goor ku taami jireen magaalada Zeylac.