Maalintii shalay oo Talaado ahayd, ciidanka maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa burburiyay, guryo ku yaalla labo magaalo oo dhaca Koonfurta Lubnaan.
Wakaaladda wararka ee xukuumadda Lubnaan ayaa sheegtay, in askarta maamulka Yahuudda ay burburiyeen guryo ku yaalla magaalooyinka Meysul-Jabal iyo KafraKla, oo dhamaantood ku yaalla Koonfurta wadankaasi.
Dhanka kale ciidamada gumeystuhu waxay weeraro iyo xad gudubyo ka geysteen deegaano iyo magaalooyin badan oo dhaca koonfurta Lubnaan, waxayna markii ay weerarkan soo qaadayeen wateen gaadiid iyo diyaarado dagaal.
Yahuuddu wax tix-gelin ah wali marna may siin waxa lagu sheegay xabad joojinta ee la dhexdhigay iyaga iyo ururka isku magacaabay Xisbullaah, wuxuuna noqday oo kaliya heshiiskani, mid maamulka Yahuudda dulleynayo ururka Shiicga ah iyo xukuumadda Lubnaan.
Sida ay doonaan iyo waxa ay rabaan ayey Yahuuddu ka sameynayaan wadanka Lubnaan, iyagoo hubeysan ayey tegayaan meesha ay rabaan, halka ururka Shiiciga ah aan loo ogoleyn inuu hub banaanka ula soo baxo, ciidanka dowladda Lubnaanna far aysan dhaqaajinkarin.