Wednesday, January 15, 2025
HomeAll NewsTaliska Shisheeyaha AUSSOM oo soo Dhaweeyey Isfhanka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Taliska Shisheeyaha AUSSOM oo soo Dhaweeyey Isfhanka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Taliska ciidamada Shisheeyaha ee magacooda loo soo gaabiyo AUSSOM, duullaankana ku jooga dalkeena Soomaaliya, ayaa si diiran usoo dhaweeyay, isfahanka ay Dowladda Federaalka iyo Itoobiya ka gaareen, khilaafkii u dhexeeyay ee ka dhashey heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Warqad kasoo baxday Muxammad Al-Amiin Suweef, oo ah madaxa guud ee duullaanka AUSSOM ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay heshiiska dhexmaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed, tallaabo horey loo qaaday, oo ka tarjumeysa wadahadalaldii mirodhalay ee Ankara, sida uu hadalka u dhigay.

Tallaabada uu Xasan Sheekh Maxamuud ku siiyay Itoobiya badda Soomaaliyeed, ayuu hogaanka duullaanka AUSSOM ee Soomaaliya ku tilmaamay, tallaabo wanaagsan oo ka qeyb qaadaneysa, nabadda, xasiloonida iyo horumarka dhaqaale ee gobolka, iyo sidii dhinacyadu isaga kaashan lahaayeen danaha wadajirka ah ee ay leeyihiin.

Warka kasoo baxay ciidamada Shisheeyaha ee duullaanka ku jooga Soomaaliya, ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Dowladda Federaalka, uu booqasho ku tagay magaalada Adis Ababa, halkaas oo uu ku marxabeeyey Abiy Axmed, isagoo u saxiixay dhamaan danaha Itoobiya, ee la xiriira iney helaan badda, kana sii mid ahaan duullaanka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments