Iyadoo dhawaan xeebaha Soomaaliya qeybo kamid ah lagu afduubtay maraakiib ganacsi iyo kuwa kalluumeysi sharci-darro ah, ayaa waxaa soo baxaya digniino la xiriira suurtogalnimada, weeraro ay fuliyeen kooxaha burcad-badeedda, kuwaasoo doonaya iney lacago madax furasho ka qaataan maraakiibta ay afduubtaan.
Xafiiska IMB ee taabacsan Hay’adda Ganacsiga Adduunka, ayaa war uu soo saaray maalintii shalay oo Talaado ahayd, wuxuu maraakiibta mara xeebaha Soomaaliya ku dhiirogeliyay, iney la yimaadaan feejignaan dheeri ah, ayna suurogal tahay iney la kulmaan weeraro afduubasho ah oo uga yimaado kooxo Soomaali ah.
Xafiiska IMB ayaa tilmaamay, in nuskii hore ee sanadkii tagay 2024-ka ay dheceen ugu yaraan 8 howlgal oo maraakiib lagu afduubtay, kuwaasoo saddex kamid ah lagu qabsaday labo doonyood oo kalluumeysi ah iyo markab siday badeecado ganacsi, waxaana afduubadashadan ku lug lahaa kooxo burcad badeed Soomaali ah.
Agaasimaha xafiiska IMB ee qaabilsan arimaha badaha ninka lagu magacaabo Michael Howlett [Mijeel Howleet], ayaa sheegay in xaaladdu aaney ahayn mid nabdoon, sidaasi darteedna ay la gudboontahay maraakiibta iyo doonyaha iney taxadar iyo feejignaan dheeri ah muujiyaan, si loo ilaaliyo badqabka shaqaalaha maraakiibta.
” Waxaan ku boorineynaa shaqaalaha maraakiibta iyo shirkadaha iska lehba, iney aad u taxadaraan, oo ay fuliyaan talooyinka la siinayo, marka ay marayaan gacanka Geni iyo xeebaha bariga Afrika” ayuu yiri agaasimaha guud xafiiska IMB ee taabacsan hay’adda Ganacsiga adduunka.
Isagoo sii hadlayay ayuu intaa ku daray, in kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ay awood u leeyihiin, iney beegsadaan maraakiibta mareysa meel kun Mile ka fog xeebaha, welina ay halis yihiin amniga badaha, inkastoo tan iyo sanadkii 2017-ka ay yaraadeen, weerarada afduubka ah ee ay fulinayaan kooxaha burcad-badeedda.
Xafiiska IMB ayaa tilmaamay, in inkastoo howlgallada afduubka ah ee ka dhacay badaha sanadihii 2023-da iyo 2024-ka ay isku mid ahaayeen, hadana waxaa aad u badnaa tirada dadka la afduubtay ee la socday maraakiibta, kuwaasoo sanadkii tagay gaaray 126 qof, halka sanadkii ka horeeyay ee 2023-ka ay tiradoodu ahayd 73 qof.