Monday, November 18, 2024
HomeWarka GudahaKhilaafkii ugu Adkaa oo soo Kala Dhexgalay Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.

Khilaafkii ugu Adkaa oo soo Kala Dhexgalay Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxweynaha maamulka labaxay Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa lagu magacaabay guddiga qaban qaabinaya doorashooyinka dadban ee uu qabsanayo maamulkaasi, arintaasi oo ay si adag uga hortimid Dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegaya isagoo cuskanaya dastuurka gacan ku sameyska ah ee maamulkiisa u yaala, uu go’aansaday inuu magacaabo guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha oo ka kooban ilaa todobo xubnood, kuwaasoo shaqadoodu tahay iney ka shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorasho dadban, oo la sahdaalinayo inuu Axmed Madoobe kusoo bixi doono.

Durbadiiba waxaa tallaabada magacaabista Axmed Madoobe si adag uga horyimid Dowladda Federaalka, war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka ayaa lagu cambaareeyay magacaabista Axmed Madoobe, taasoo lagu sheegay iney ka hor imaaneyso heshiiskii ay horey u wada gaareen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

” Dowladda Federaalka waxay cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Axmed Madoobe ku magacaabay guddi is-doorasho, waxayna uga digeysaa tallaabo kasta oo sharci darro ah, taasoo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arimaha gudaha ee Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Axmed Madoobe iney difaacdaan awoodahooda, ayna ogolaan inuu maamulo qof aan iyagu raalli ka ahayn, tani oo ka dhigan in siyaasiyiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ay is hubeeyaan, Dowladda Federaalkana arintaasi ku taageereyso.

War Saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in mudo xileedkii Axmed Madoobe uu ku ekaa Agusto 2023-ka, intana uu xafiiska ku joogay is-afgarad dhexmaray Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxa uu u muuqdaa khilaafka ka dhexeeya Xasan Sheekh Maxmuud iyo Axmed Madoobe inuu gaaray halkii ugu sareysay, maamulka Jubbaland ayaana ku eedeeyay Dowladda Federaalka iney siyaasadeyneyso arinta ciidamada, oo ay wado qorshe ay ciidamada Dowladda Federaalka uga soo saareyso deegaanno ay kaga suganyihiin gobolka Jubbada Hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments