Dowladda Ruusha ee dagaalka kul jirta xukuumadd Ukraine, ayaa sheegtay ine la wareegtay, tuulada Bishtishaani oo qiyaastii wax kayar 10KM ujirta magaalada Burofiski oo dhacda Bariga Ukraine.
Askarta Ruushka ayaa si ay ugu suuragasho la wareegitaanka magaalada magaalada muhiimka ah ee Burofiski, waxayn soo qabsadeen hareeraheeda, haddii ay Ruushka ugacan gasho magaaladanna waxay Ukriane ku tahay dhabar jab xooggan iyo khasaare halmar labo dhinac kasoo gaaray, maadaama qabsashada magaalada ay dhan dhaqaale iyo mid Millateriba usaameyneyso Ukriane.
Tuuladan ay lawareegeen ciidanka Ruushka waxay hodon ku tahay dhuxusha laga qodo dhulka, taasoo xukuumadda Kiyv ay ka sameyso dhaqaale badna.
Dhinaca kale dowladda Ukraine ayaa sheegtay iney soo ridday 78 diyaaradood oo Drones ah, kuwaasoo ay leedahay xukuumadd Mooskoow.
Ukaraine waxay sheegtay in difaaceeda hawada uu soo riday 78 diyaaradood oo uu kusoo weeraray Ruushku, kuwaasoo asal ahaan ahaa 110 diyaaradood, halka 31 kalena ay Ukraine sheegtay in la waayay oo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.
Diyaaradahan uu Ruushku ku weeraray Ukraine ayaa ku dhacay 4 mandiqadood oo ku yaalla bartmaha, Waqooyiga iyo Koofur Bari ee dalka ee wadankaasi, waxayna geysteen khasaare hantiyeed oo soo gaaray dhismayaal ganacsi iyo la degan yahay.