War kasoo baxay safaaradda dowladda Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in, lasii daayay markab kalluumeysi oo laga lahaa dalkeeda oo bishii November ee lasoo dhaafay lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya.
Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay in markabka lala sii daayay 18 shaqaale ah oo saarnaa, kuwaas oo muddo bilooyin ah afduub ahaan loo heystay.
Dhamaadkii bishii November ayaa la afduubtay markaab iyo shaqaalaha saarnaa, waxaana xogu ay tilmaamayeen in lala aaday degmada Xaafuun ee gobolka Bari.
Kooxaha afduubtay markabka ayaa waxa ay kol sii horreysay dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan $10 milyan, lamana oga in Shiinuhu uu bixiyay lacagtaas iyo in kale.