Kulan ay kasoo qeyb galeen saraakiil katirsan Dowladda Kenya oo ka dhacay dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya ayaa waxaa looga hadlay, halista amni ee ay xukuumadda Nairobi kala kulmeyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Kenya ugu magacaaban dhulka NFD ayaa waxa uu sheegay, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay hesho xogo mihiim ah oo usuura galiya iney weeraro laayaan ah ka fuliso dalka Kenya, isagoo walaac ka muujiyay arrintaas.
Mukhtaar Macallin oo ka faallooda arrimaha Kenya ayaa waxa uu ka hadlay waxa xilligaan kusoo aadiyay kulanka ay yeesheen Saraakiisha Kenyanka ah, isagoona sheegay in xukuumadda Nairobi ay cabsi xooggan ka qabto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.