Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ee bartmaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen, xero ay ku sugnaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Weerarka ayaa lagu qaaday, ciidamada ku sugan deegaanka Masagawaay oo katirsan gobalka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo la gaarsiiyay askarta la wareeray.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka lagu dilay ugu yaraan 3 askari, halka lagu dhaawacay tiro kale, waxaana deegaanka si buuxda gacanta ugu dhigay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyagu weerarka soo qaaday.
Deegaanka Masagawaay waxaa marar badan sidaan oo kale horay uga dhacay, weeraro xooggan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo afjareen, xeryo ay askarta Dowladda Fedaraalka ee sida khasabka ah lagu keenay deegaanka ay halkaasi ka sameysteen .
Geesta kale guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay howlgallo qaraxyo ah oo ka dhan ah ciidamada Shisheeye ee dalka kusoo duulay ka fulisay gobalka Sh-hoose.
Khasaare kala duwan ayaa ciidanka Shisheeye ee Uganda ku gaaray, 2 qarax oo lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamadaas oo ku socdaalayay inta udhaxeysa deegaanada Shalambood iyo Danow oo kawada tirsan Sh-hoose.