Galinkii dambe ee maalintii shalay xeebta magaalada Berbera ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland ayaa waxa ay liqday 2 wiil oo walaalo ah.
Mid kamid ah labada wiil ayaa lasoo isagoo nool laga soo saaray badda, halka kan kalana isagoo meyd ah lasoo bixiyay.
C/Raxmaan Saciid Maxamed oo ah wiilka nolosha looga soo saaray xeebta ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Berbera, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.
C/Qani Maxamed Cali oo ah dirawalka gaariga gurmadka deg-degga ah ee maamulka Soomaaliland ee magaalada Berbera ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.COD
Maalin kahor ayay aheyd markii sidan oo kale ay xeebta magaalada Berbera ay u liqday saddex haween ah, kuwaasoo si dirqiya lagu soo badbaadiyey, waxaana dhowr jeer dhacdooyin nuucaan ah looga soo tabiyay xeebtaas.