Ciidama Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay howlgallo qaraxyo u badan ka fuliyeen goballada Baay iyo Sh-hoose, kuwaas oo lagu beegsaday maamulka la baxay Koonfur-galbeed iyo ciidanka Shisheeye ee Uganda.
Haddaan ku horreyno gobalka Baay, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gudaha degmada Bardaale qarax kula beegsadeen, gudoomiyaha degmadaasi ugu magacaaban maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Gudoomiyaha ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxaa ay dhaawacyo soo gaareen 2 kamid ah ilaaladiisa.
Isla gobalka Baay, weerar qrax ah ayay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku weerareen, Koontarool ay askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed kaga sugnaayeen magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, khasaare ayaana jira.
Dhanka gobalka Sh-hoose, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay qarax la beegsadeen kolonyo katirsan ciidanka Shisheeyaha Uganda oo ku socdaalayay qeybon kamid ah gobalkaas.
Kolonyada oo sahay waday kana baxday deegaanka Buufow kuna sii jeeday deegaanka Shalambood ee gobalka Sh-hoose ayuu qaraxu haleelay, mana helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan weerarkaas.
Sidoo kale habeenkii xalay weerar ayaa lagu qaaday fariisin ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee isla gobalka Sh-hoose.