Qabanqaabada imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanadkan ayaa Suudan ka dhaliyay muran baahsan oo la xiriira xaaladda amni ee sii xumaanaysa iyo dagaalka ka socda Suudaan tan iyo bishii Abriil 2023-kii, kaas oo ku baahay dhul ballaaran oo katirsan dalka.
Tani waxay khasabtay in imtixaanada lagu qaado goobo nabdoon oo ay ciidamadu dawladdu gacanta ku hayaan, taas oo keentay in Imtixaanaadka Sanadka lagu qaban waayo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Tageerada degdega ah ee gobalada Daarfuur, Al-jazeera iyo Khartoum, taas oo sababtay in tiro arday ah ay awoodi waayaan inay u fariistaan imtixaanaadka, kuwaas oo lagu qiyaasay boqolkiiba 30% tirada guud ee ardaydii isu diwaan galisay galida imtixaanka, sida ku cad qiyaasta Wasaaradda Waxbarashadu ay soo saartay.