Toddobaadkii u dambeeyay ee bishii December ee lasoo dhaafay, Xafiiska Tirakoobka Dhexe ee Yahuudda ayaa daabacay warbixin ku saabsan xaaladda tirakoobka ee dadka ku nool dhulka Falastiin ee ay Yahuuddu xoogga ku haysato, taas oo ka yaabisay dhinacyada qaarkood.
Inkasta oo lagu dhawaaqay dabbaal-degga ah in dadka Yahuudda ay kor udhaafeen 10 milyan, hadana warka aadka uxun marka loo eego aragtidooda ayaa ah, barakaca baahsan ee la diwaan galiyay sanadkii 2024-kii, kaas oo gaaraya 82,700 qof oo ka barakacay dhulka Falastiin ee ay gumaysigu ku haysteen, taas oo ah mid aan horay loo arkin.