Maalintii shalay oo Jimco ahayd dagaallo xooggan ayaa ka dhacay gobolka Al-Jaziira ee bartamaha Suudaan, gaar ahaan degaanno hoos taga magaalada Wud-Madani ee xarunta u ah gobolkaasi.
Il wareedyo ku dhow ciidanka Suudaan ayaa sheegay in askarta Suudaan ay shalay gudaha ugaleen mandiqadda Wud-Al-Abyad oo dhacda Bariga magaalada Wu-Madani.
Sido kale ciidanka Suudaan ayaa shalay sheegay iney la wareegeen Maxalliyatu-Umm Al-Quraa oo dhacda Bariga gobolka Al-Jaziira, kadib dagaallo dhexmaray iyo kooxda RSF.
Sido kale Millateriga Suudaan waxay horay ula wareegeen maalmihii dhawaan e eina dhaafay, magaalooyinka Al-Shabaariqah oo 30 KM ujira caasimadda gobolka iyo Al-Xaaji Cabdallah, 60 KM ujirta, waxayna marba marka ka dameysa kusii dhawaanayaan magaalada Wud-Madani, iyagoo meelaha qaar ee ay marka la fiiriyo ay ciidanka Suudaan magaaladan ujiraan 20 KM kaliya.