Friday, January 10, 2025
HomeAll NewsDowladda Belgium-ka oo sii Deysay Maxbuus Soomaali ah oo u Xirnaa in...

Dowladda Belgium-ka oo sii Deysay Maxbuus Soomaali ah oo u Xirnaa in ka Badan 10 Sano.

Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo kamid ah Kalluumeysatada Soomaalida ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Belgium-ka, kadib muddo sanado ah oo uu si gardarro ah ugu xirnaa halkaas.

In ka badan 10 sano oo uu uxirnaa dowladda Belgium-ka kadib, ayaa ugu dambeyn waxa uu Maxamed helay xurriyaddiisa, kadib markii lagu waayay eedeymihii loo heystay.

Sanadkii 2013-ka ayaa ninkaan Kalluumeysatada kamidka ah laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels oo ah caasimadda dalka Belgium-ka.

Muddo 11 sano ah oo uu si gardarro ah u xirnaa kadib, Maxamed ayaa dib uhelay xurriyaddiisa, iyadoo ay xukuumadda Brussels ku weysay dhammaan eedeymihii ay u heysatay.

Saraakiil katirsan sirdoonka Belgium-ka ayaa ninkaan ka qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada magaalada Brussels, kuwaas oo ku eedeeyay inuu kamid yahay waxa ay ugu yeeraan burcad-badeeda Soomaalida.

Eedeymaha loo heystay ee uu ka bari noqday waxaa sidoo kale kamid ah, in uu ka dambeeyay afduubka markab laga leeyahay dalka Belgium-ka, kaas oo la afduubtay sanadkii 2009-ka.

Qaar kamid ah wadamada caalamka si gaar ah kuwa reer-galbeedka waxaa ku xiran dad badan oo Soomaali ah, kuwaas oo loo heysto eedeymo lamid ah kuwa lagu heystay Maxamed Cabdi Xasan, waxaana muddo sanado ah ay ku xiran yihiin xabsiyada dowladahaas.

Halkaan ka Degso Warka Maxbuuska Lasii Daayay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments