Malleeshiyaadka loo yaqaan AD-Dacmu AS-Sariic ee ay taageerto xukuumadda Imaaraadka Carabta, ayaa gumaad wadareed aan kala joogis lahayn kawada dalka Suudana, gaar ahaan gobolka AL-Jaziira ee dhaca bartamaha wadankaasi.
Magaalada Al-Hilaaliyaha ee gobolla Al-Jaziira ayaa waxaa ka imaanaya, warar murugo xambaasan oo kawarramaya gumaadka wuxuushnimo ee ay malleeshiyaadka Kooxda RSF kawadaan halkaasi.
Malleeshiyaadkan ayaa muddo ka badan toban maalin go’doon ku haya magaaladaasi, waxayna leynayaan dadka shacabka ah.
Dadku waxay ku le’ayaan labo sababood oo ay dhamaantooda ka dambeeyaan malleeshiyaadkan, mar waa iney uqabiyeen Qamdi sumeysan oo xaaladahii caafimaad darro ee ka dhashay ay 30-kii daqiiqo ee kasta ku dhimanayaan dadka magaaladaan, mar kale waxay si toos ah ugu dilayaan rasaasta ay wataan.
ilaa iyo haatan waxay dhimashada sumowga Qamadiga marayaan dadka udhintay 97 ruux, halka ay 13 qof oo kale u dhinteen rasaas ay ku geneen.
Iyadoo xaaladahan adagi heystaan dadka magaalada Al-Hilaaliya ayey magaalleeshiyaadkan arxanka daran burburiyeen isbitaalkii Al-Hilaaliyah oo u adeegayay in kabadan 31 tuulo oo kabaxsan magaaalada, sido kale burburiyeen farmashiyaal kor dhaafaya 10 iyo in kabadan 10 ceel oo ay dadku biyaha ma cabayeen.
Waxaa intaasi sii dheer korantadii oo ay ka jareen magaalada, reer Al-Hilaaliyah ayaana waxaa isugu darsamay mugdiga habeenka oo ay usii dheer tahay baahi, biyo la’aan iyo caafimaad darro.
Dhibaatada heysta dadka ku nool magaaalada Al-Hilaaliyah ee wadanka Suudaan inta oo kaliya kuma eka, ee waa mid sii socota saacad waliba, waxayna Muslimiinta Suudaan malleeshiyaadkan dhidhensiiyeen ciqaabaha ugu dardaran oo ah biyo iyo baad la’aan, marka laga soo tago iney nafahooda sababsadeen.