Rag Kalluumeysato ah oo muddo lagu la’aa xeebaha magaalada Bebera ayaa iyagoo bad qaba laga helay badda Jabuuti.
Xeebaha magaalada Berbera ee woqooyiga Soomaaliya waxaa bil kahor lagu waayay 3 nin oo Kalluumeysato ah, kuwaas oo iminka laga helay xeebaha Jabuuti.
Cillad ku timid doon ay wateen Kalluumeysatada ayaa sababtay iney dib ugu soo noqon waayaan magaalada Berbera, halkaas oo ay meesha ay markii hore ka tageen.
Cillad ku timid batriga doonta ayaa sababtay iney udhaqaaqi weysi halkii ay doonayeen oo ay la’aado jiho kale, iyadoo muddo 29 cesho ah dul sabeynayay badda sida uu sheegayo Khadar Ibraahim oo kamid ah Kalluumeysatada saarneed doontaa.