Warsaxaafadeed kasoo baxay Jabhadda Oromada ee OLA ayaa waxaa lagu sheegay, in ciidankoodu ay fuliyeen weeraro dhowr ah oo ay khasaare culus ku gaarsiiyeen askar iyo saraakiil katirsan maamulka Oromiya.
Hogaamiyayaasha Oromada oo ay kamid yihiin wasiirro iyo xubno kale ayay OLA sheegtay, in maalmihii lasoo dhaafay ay tagayeen furimaha dagaalka, si ay udhiiro-galiyaan ciidanka maamulka, balse ay ka war heleen oo ay weeraro ku ekeeyeen.
Goobaha ay weerarada ka fuliyeen ayaa waxaa kamid ah deegaan dhaca koonfur-galbeed ee gobalka Shewa iyo deegaanno kale oo kairsan gobalka Oromiya.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Oromiya iyo dowladda xabashida Itoobiya oo ku aadda sheegashada jabhadda OLA, waxaana weeraradaan ay kusoo aadayaan iyadoo dhawaan ay Jabhaddu dishay 4 masuuliyiin ah oo katirsan maamulka Oromiya.