Maalintii shalay oo Jimco ahayd waxaa magaalada Sii’oon oo ah tan labaad ee ugu weyn gobolka Xadra-mowt ee dhaca Bariga wadanka Yaman lagu dilay, 2 askaro oo udhashay dalka Sucuudiga kana tirsanaa isbaheysiga carbeed ee joogaa wadankaasi, halka sedax kalena ay dhaawacyo soo gaareen.
Dilka askartan ayaa waxaa ka dambeeyay askari Yamani ah oo ay murmeen, iyagoo ku wada sugan talis ciidan, wuxuuna intaasi kadib ku furay rasaas askarta Sucuudiyaan ah dhaxal siisay, iney uqeybsamaan dhimasho iyo dhaawac.
Askariga Yamaniga ah ayaa markii uu dilka iyo dhaawac geystay kadib isaga baxsaday goobta, in kastoo aanan xog dheeraad ah ka helin waxa murankoodu salka ku hayay.
Dhacdada noocaan ah ayaa ah tii ugu horreysay oo ay la kulmaan ciidamada maamulka Aala-Sacuud tan iyo inta ay dagaalka kaga jiraan dalka Yaman.
Askarta Sucuudiyaan ah ayaa Yaman ujooga ilaalinta danaha xukuumadda taagta daran ee dalkaasi, waxayna halkaasi ku sugan yihiin sanado xiriir ah.