Sunday, November 17, 2024
HomeWarka GudahaSaraakiil Katirsan FPI-da Maraykanka oo Yimid Magaalada Muqdisho.

Saraakiil Katirsan FPI-da Maraykanka oo Yimid Magaalada Muqdisho.

Waxaa magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho si dhuumasho ah ku yimid, wafdi ka socda waaxda FPI-da Maraykanka, oo ah hay’ad sirdoon oo qaabilsan amniga gudaha dalka Maraykanka.

Saraakiisha Ameerikaanka ee yimid Muqdisho, ayaa kulamo la qaatay Taliyaha ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka ninka lagu magacaabo Asad Diyaano.

Qoraal kooban oo lasoo dhigtay barta X ee Booliiska Dowladda Federaalka, ayaa lagu sheegay in sarakaiisha FPI-da kala hadleen, sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagaxisada.

Tallaabada ay saraakiisha FPI-da Maraykanka ku yimaadeen Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan Muqdisho uu si qarsoodi ah ku yimid taliyaha CIA-da Maraykanka, kaasoo la kulmay Xasan Sheekh Maxmuud iyo Sanbaloolshe.

Dowladda Maraykanka ayaa kaalin weyn kaga jirta duullaanka milliteri ee lagu soo qaaday Soomaaliya, waxaana hay’adaha sirdoonka Maraykanka ay Muqdisho ku tacdiibaan dhalinyarada Soomaaliyeed, ee eed looga dhigo waxyaabo aan jirin.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments