Dabelleyahan oo aad u xooggan islamarkaana dhawaan ka billowday gobolka Kaliforniya, ayaa waxaa ka dhashay dab xooggan oo gubaya keymaha ku yaallaa gobolkaasi.
Dabkan ayaa ah mid aad u fidaya oo la xakmeyn la’yahay, waxaana meelaha ugu badan oo ee uu khasaaraha nafeed ka geystay kamid ah magaalada Loos Anjali see ku taalla gobolkaasi oo uu wali ka holcayo.
Magaaladaasi waxaa shalay ku dhimatay 5 ruux, kuwaasoo uu gobay dabkan ka billowday duleedyada magaalada, waxaana suurgal ah in la helo meydad hor leh.
Dabeysha xooggan ee halkaasi ka socota ayaa burburisay wax ka badan 1,000 [kun] guri oo ku yalla hareeraha magaalada, waxaana tan iyo intii ay billaabatay musiibadan heysta Mareykanka magaaladaasi ka barakacay, tobanaan kun oo kamid ah dadka hallkaasi degan.
Sido kale korontada ayaa ka ka go’day qiyaas ahaantii hal malyan oo kamid ah guryaha ku yaalla magaalada Loos Anjalis.
Mareykanka ayaa wuxuu Allaah ku salliday Musiibooyin is xig xiga, mid markii ay ka baxaanna mid kale ayey la kowsadaan, waxaana ku dhacay wixii ay Muslimiintu muddo sanado ah ku habaarayeen oo ahaa, inuu Allaah halaago.