Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaSarkaal Katirsan Yahuudda oo Lagu Dilay Dagaallada Lubnaan.

Sarkaal Katirsan Yahuudda oo Lagu Dilay Dagaallada Lubnaan.

Ciidamada maamulka Yahuudda ayaa maalintii Shalay ku dhawaaqay, sarkaal katirsan askartooda lagu dilay dagaallada ka socda Koonfurta Lubnaan.

Sarkaalkan ayaa markii hore dhaawac soo gaaray, kasoo ugu dambeyn sababay inuu dhinto.

Dhinaca kale duqeymo aan kala joogsi lahayn ayuu maamulka Yahuuddu ka wadaa dalka Lubnaan bilooyin xiriir ah.

Galabnimadii shalay oo Jimco ahayd kaliya, wuxuu 11 duqeyn oo dhanka cirka ka geystay magaalada Beyruut ee caasimadda wadankaasi,

Sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee dalkaasi, duqeymahan meelaha ay beegsadeen waxaa kamid ah: mandiqadda Al-Xadath ee udhow jaamacadda Lubnaan, mandiqadda loo yaqaan Burjul-Baraajinah, oo dhamaantood dhaca koonfurta magaalada beyruut.

Magaalo xeebeedka Suur ee dhacda Koonfurra Lubnaan waxaa iyada duqeymo xiriir ah oo ka dhacay shalay lala beegsaday, dhismayaal sedax ah oo la degan yahay, waxayna Yahuuddu ku dileen 6 ruux, halka ay ku dhaawaceen tobanaan kale, sida ay ku warrantay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Tan iyo intii ay bilowdeen duqeymahan waxaa naftooda ku waayay dad badan halka qaar kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, taasoo ay usii  dheer tahay xaaladda nololeed ee adag oo ay wajahayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments