Friday, January 10, 2025
HomeAll NewsMasuul Ameerikaan ah oo Trump ugu Baaqay Inuu Xilka ka Tuuro Madaxweynaha...

Masuul Ameerikaan ah oo Trump ugu Baaqay Inuu Xilka ka Tuuro Madaxweynaha Eretrea.

Michael Rubin oo ah masuul Ameerikaan ah oo xilal sare kasoo qabtay wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Washington, ayaa madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ugu baaqay inuu xilka ka tuuro madaxweynaha dowladda Eretrea Isaias Afwerki.

Waxa uu Trump ugu baaqay inuu qaado tallaabo waliba oo uu xilka kaga tuuri karo madaxweynaha dowladda Eretrea.

Waxa uu sidoo kale sheegay, in xukuumadda Amsara ay heysato muwaadiniin Jabuutiyaan ah oo ay kasoo afduubatay gudaha Jabuuti, kuwaas oo maxaabiis ahaan ugu xiran jeelashada dalka Eretrea.

Masuulkaan hore ee Amerikaanka ah, ma uusan shaacin in Mareykanku uu Itoobiya u adeegsan doono xilka tuurista Afwerki, balse bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya, in Itoobiya ay ka go’an tahay iney weerar ku qaado Eretrea.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments