Diyaaraddan oo ah nooca rakaabka islamarkaana laga leeyahay dalka Mareykanka, ayaa kasoo duushay magaalada New Yourk, waxayna ka degtay garoonka diyaarada ee magaalada Forti loo Dardeel ee xarunta u ah gobolka Florida ee wadankaasi.
Kadib markii ay ka degtay garoonka ayaa waxaa taayarkeeda laga helay meydadka labo ruux, kuwaasoo aan illaa iyo hataan la garan sida ay ku galeen halkaasi.
Marka laga soo tago labada qof ee dhimatay, waxay arrintan qalqal ku abuurtay shirkadaha diyaaradaha Ameerikaanka ah, kuwaasoo ka baqaya in dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay shilal ku sababi karaan.
Warbaahinta Mareykanku waxay sheegeysaa inaan la aqoonsan labada ruux ee laga helay taayarka diyaaradda, labo todobaad kahor ayeyna ahayd markii diyaarad kasoo duushay magaalada Chicago ee dalkaasi oo ka degtay jaziiradda Maawi laga helay meydka ruux aan tafaasiil dheeri ah laga bixin sida uu ku dhintay.