Shilkan gaari ayaa maalintii shalay ka dhacay baadiyaha Waqooyi ee magaalada Ummu Darmaan ee dalka Suudaan, waxaana ku dhintay labo qof halka ay ku dhaawacmeen 27 kale.
Dhacdadan waxaa si gaar ah looga soo tebiyay mandiqadda Al-Saruuraabi, waxaana marka dadka dhintay laga soo tago kuwa dhaawacyadu soo gaareen ay ka dhaawacmeen meelo kala duwan.
Macadda sida uu shilka ku galay gaarigan, waxaase wadanka Suudaan marar kala duwan ka dhacay shilal gaadiid.
Suudaan ayaa dagaallada ka socda wadanka waxaa u weliya dhibaatooyin kale oo ay kamid yihiin shilalka gaadiidka oo halis ku ah nafta dadka iyo gaajada ka dillaacday halkaasi.