Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ah taliyaha Sirdoonka Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka uu kala hadli doono sidii looga laaban lahaa waaran loo jaray masuuliyiin katirsan mamaulka labaxay Hiiraan State.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in raggan waaranka loo jaray uu kulan la qaatay, ayna hadda dib ugu soo laabteen wadanka, khilaafkii hore ee la xiriiray iney la safteen Itoobiyana uu meesha ka baxay.
Madaxda ay Dowladda Federaalka waaranka u jartay, ayaa horey loogu eedeeyey khiyaano qaran, iyo iney la safteen Itoobiya, lakaiin waqtigan Xasan Sheekh Maxmuud iyo dhamaan madaxda Dowladda ayaaba Itoobiya la safan, oo tilmaamaya iney bad siinayaan.