Friday, January 10, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Maxaabiis Yamaniniin ah Kuna Jiray Xasbiga Guwantanamo Bey ku Wareejiyay...

Mareykanka oo Maxaabiis Yamaniniin ah Kuna Jiray Xasbiga Guwantanamo Bey ku Wareejiyay Cummaan.

Wasaaradda dagaalka ee xukuumadd Washington ayaa maalintii shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqday, iney 11 maxbuus oo Yamaniyiin isbuucan ku wareejisay saldanada Cummaan, kuwaasoo in ka badan 20 sano ku xirnaa xabisga sumcad xumada ku caan baxay ee Guantanamo Bay, kaasoo ku yaalla Bariga Jaziiradda Cuba.

Maxaabiistan ayaa mudada intaasi la eg isaga jiray xabsiga, iyadoo aysan illaa iyo haatan cadeyn waxa loo heysto.

Xabsigan ayaa waxaa wali ku xiran 15 qof Muslimiin ah, kuwaasoo oo 3 kamid ah dhawaan uu Mareykanku sheegay inuu deynayo, sedax kalena Ameerika waxay sheegtay iney dib u eegis ku sameyneyso gal dacwadeedkooda, halka 7 kale loo heysto tuhmo oo kaliya, labana xukun u uku dhacay.

Maalmo kahor ayey ahayd markii maxbuus udhashay dalka Tuunis oo laga soo saaray xabisgan dib loogu celiyay wadankiisa, iyadoo lagu wareejiyay xukuumadda dalkaasi ka jirta oo markii horaba Mareykanka ugacan gelisay.

Dadka Muslimiinta ah ee xabisgan wali ku xiran waxaa kamid ah, Khaalid Sheekh Muxammad oo kamid ah Mujaahidiinta Al-Qaacidda.

Xabsiga Guantanamo waxaa la furay xilli uu Buush madaxweynaha ka ahaa Mareykanka, waxaana waagii hore ku xineyd maxaabiis gaareysa 800 ruux, kuwaasoo dhamaantood loo heystay hal eed oo ah, iney ka dambeeyeen weeraro Mareykanka iyo inta garabka u ah ku tilmaameen kuwo argagixiso.

Biden-ka xilka kasii degaya ayuu qorshaha Mareykanku u ahaa inuu soo xiro xabsigan sumcad xukumada dheeriga ah usoo jiiday dowladdooda, hase ahaatee waxaa muuqata iney maalmo kooban u hareen isagoo aan arrintaasi wali dhameestirin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments