Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday saacadihii lasoo dhaafay, weeraro ka dhan ah ciidamada Shisheeyaha iyo askarta Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, ee ku sugan qeybo kamid ah koonfurta Soomaaliya.
Deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay, ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka labaxay Koonfur galbeed ku leeyihiin deegaanka.
Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday askar katirsan maamulka labaxay Jubbaland, oo ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.
Askarta ayaa la weeraray xilli ay biyo ka dhaansanayeen ceelka magaalada, waxaana gaaray waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka kale, saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerareen ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa si gaar ah loo weeraray saldhig ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin xaafadda Haanta-dheer ee degmada Afgooye.