Monday, November 18, 2024
HomeWarka GudahaAskar Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Dad Shacab ah ku Dilay Xudur.

Askar Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Dad Shacab ah ku Dilay Xudur.

Ciidamada maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa dad shacab ah ku laayay degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa degmada Xudur ee gobalka Bakool ka dhacay, dilal ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ka geysteen degmadaas.

Dilka dadkaan shacab ka ah oo ay tiradoodu aheyd 4 ruux ayaa yimid, kadib markii ciidamada maamulka ay si xaqdaro ah ku xireen dad rayid ah, taas oo sababtay in odayaal iyo ehellada dadka ay tagaan halkii lagu xiray dadkooda, tani ayaana keentay in ciidamada ay rasaas oodda kaga qaadaan dadka shacabka ah.

Dadka ay dileen ciidanka waxaa kamid ah oday dhaqameed caan ka ahaa degmada Xudur, waxaana rasaasta sidoo kale ku dhintay sarkaal katirsan maamulkaas, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 ruux oo shacab ah.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments