Friday, January 10, 2025
HomeAll NewsMid kamid ah Saraakiishii Xabsiga Seyndaaya ee dalka Suuriya oo Lagu Qabtay...

Mid kamid ah Saraakiishii Xabsiga Seyndaaya ee dalka Suuriya oo Lagu Qabtay Ximis.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa ku waramaya in gacanta lagu dhigay mid kamid ah saraakiishii masuulka ka ahaa xabsiga Seydnaaya, gaar ahaan tacdiibinta maxaabiista.

Dadka soo tabiya wararka Suuriya ayaa baraha Internetka waxay soo dhigeen in gacanta lagu dhigay, sarkaal sare oo lagu magacaabo Oos Saloom, kuna caan ahaa Cazraa’iil Seyndaaya.

Ciidamo katirwan kuwa ammaanka ee maamulka cusub ee Suuriya ayaa howlgallo ballaaran oo lagu raadinayo saraakiishii Shabiixada Nuseyriyada waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka Ximis ee Suuriya.

Howlgalladan ayaa lagu soo qabtay saraakiil dhowr ah, halka lagu dilay kuwa kale, sidoo kalena lagu soo qabtay saanado hub ah oo ay keydsadeen saraakiil katirsan nidaamkii Nuseyriyada ee burburay.

Sarkaalka katirsanaa masuuliyiintii Xabsiga Seyndaaya ayaa la sheegay inuu si gaar ah masuul uga ahaa tacdiibinta maxaabiista, aadna ugu xeeldheeraa inuu macaansado taaha iyo silaca ay ku noolaayeen maxaabiista Muslimiinta ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments