Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in masuuliyiin katirsan maamulka Oromiya ee Dowladda Itoobiya lagu dilay, mandiqad dhacda duleedka magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalkaaas.
Weerarka lagu laayay masuuliyiinta ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay woqooyiga gobalka Shewa ee ismaamulka Oromiya.
Ugu yaraaan 4 masuuliyiin ah oo katirsan maamulka Oromiya ayaa lagu dilay weerarkaan, kaas oo lagu eedeeyay iney ka dambeyso Jabhadda Oromada ee OLA.
Waxaa sidoo kale la sheegay in la laayay darawalladii ka xeynayay masuuliyiinta la dilay, iyo xubno kale oo katirsan maamulka Oromiya ee dalka Itoobiya, Jabhadda Oromada ee OLA ayaana sheegatay masuuliyadda weerarka, iyadoo tilmaamtay iney leysay masuuliyiinta maamulkaas.