Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobalka Baay, kaas oo lagu beegsaday mid kamid ah masuuliyiinta degmadaas.
Howlgalka oo ay fuliyeen rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay la beegsadeen, gudoomiye xaafadeed katirsan maamulka degmada Diinsoor ee taabacsan Koonfur-galbeed.
Ragga weerarka geystay ayay u suuragashay iney nafta dhaafiyaan gudoomiye xaafadeedka bartilmaameedku ahaa, kaas oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Mayow.