Dowladda Fedaraalka ayaa gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ka hor-istaagtay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Maanta Dowladda Fedaraalka ayaa is hor-istaag ku sameysay, safar uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga bixi lahaa Cabdifitaax Xasan Afrax oo ah gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan.
Saraakiil katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa gudoomiyihii hore ee Hiiraan ku wargaliyay inuusan ka dhoofi karin garoonka Muqdisho, lagana reebay safar uu ku aadi lahaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, sida uu Cabdifitaax Xasan Afrax ku sheegay qoraal uu kusoo qoray baraha uu ku leeyahay Internetka.
Waxa uu intaa ku daray in lagula kacay xadgudub iyo colaadin, isagoo xusay in wixii xumaan ah ee a dhasha arrintaas ay masuuliyaddeeda qaadi doonto Dowladda Fedaraalka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in goor dambe ay ciidamo katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ka xeysteen gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan islamarkaana xabsiga utaxaabeen.