Cabdullaahi Ibraahim Muumin oo ah nin xoogsato ah, ayaa kooxo hubeysan waxay ku dhaawaceen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ninkan oo uu dhaawac halis ah soo gaaray, ayaa kooxo hubeysani waxay doonayeen iney ka qaataan mobile-ka nooca Smart-ga ah oo uu watay.
Xabad ayay kaga dhufteen madaxa ilaa garabka, waxaana isagoo aan xaaladiisa waxba looga qabin Muqdisho uu yaalaa isbitaal ku yaala magaalada.
Ehellada oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda ninkan dhaawacan iyo sida ay wax u gaareen.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo marna wata dareeksa ciidanka, marna dhar shacab ah soo xirta, ayaa dhac baahsan ka wada Muqdisho, waxaana ay dadka u dileen mobile iyo waxyaabo lamid ah.