Qaar kamid ah suxufiyiinta Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa booqasho ku tagay, baadiyaha gobalka Sh-hoose iyo xeryaha Geela ee gobalkaas.
Wariyayaasha oo kala ah C/fataax Maxamed Qaasim iyo Cabdillaahi Yaasiin Jaamac, ayaa waxa ay ukuur galeen xaaladda baadiyaha iyo nolosha Geelleyda, waxa ayna ka warrameen waxyaabihii ay safarkooda kusoo arkeen.