Wednesday, January 8, 2025
HomeAll NewsTahriibiyaal Lagu La'yahay Xeebaha Dalka Liibiya oo Loo Badinayo Iney Dhinteen.

Tahriibiyaal Lagu La’yahay Xeebaha Dalka Liibiya oo Loo Badinayo Iney Dhinteen.

Tahriibayaashan oo ku  wajahnaa qaaradda Yurub ayaa ka baxay wadanka Liibiya waxayna raaceen doon taasoo markii dambe kula degtay meel ku beegan jaziiradda Laambidooza oo ku taalla gudaha Baxrul-Mutawasid ama Medetareeniyaanka.

Dowladda Talyaaniga oo maalintii shalay ka hadashay dhacdada la xariirta doontan degtay waxay sheegtay, iney todobo qof oo kaliya kasoo badbaadiyeen dadkii saarnaa doonta, ku dhawaad 20 ruux oo kalena la la’yahay.

Dadka ku maqan gudaha badda ayaan lagu hayn nolo iyo geeri, iyadoo baadigoobkooda wali uu socdo.

Jaziiradda Laambidooza ayaa kamid ah meelaha ay dadka tahriibayaasha ah ka gudbaan marka ay rabaa iney galaan qaaradda Yurub.

In ka badan 200,000 [labo boqol oo kun] ruux ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay oo kaliya naftooda ku waysay badda Medetareeniyaanka, sdia ku xusan tiro koob ay sameysay wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliyaaniga.

Sanadkan 2024-ta oo kaliya ku dhawaad 66,000 [lixdan iyo lix kun] oo qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay baddaas kadib markii ay doomo la degeen, halka sanadkii 2023-ka ay tirade dadka ku dhintay badan ee ay doomuhu la degeen gaareen 158,000 [ boqol konton iyo sideed kun] oo tahriibayaal ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments