Monday, January 6, 2025
HomeAll NewsMasuul Horay uga Tirsanaa Maamulkii Trump oo Sheegay Suuragalnimada in Ciidankooda Laga...

Masuul Horay uga Tirsanaa Maamulkii Trump oo Sheegay Suuragalnimada in Ciidankooda Laga Saaro Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa la sahdaalinayaa inuu isbedel ku sameyn doono wujuudka ciidamada Maraykanka ee caalamka, isagoona markii uu ku guuleystay doorashada madaxtnimada sheegay, in dagaallada doqonnimada ee ay ciidamadooda kaga jiraan qeybo kamid ah caalamka uu soo afjari doono.

Waqtiga xaadirkan, masuul Ameerikaan ah oo horey xilal uga soo qabtay mudo xileedkii koowaad ee Donald Trump, ayaa tilmaamay inuu filayo in Soomaaliya ay kamid ahaan doonto wadamada uu Donald Trump kasoo saari doono ciidamada Maraykanka.

J. Peter Pham oo ahaa ergeygii gaarka ee wadamada Saaxilka Afrika mudo xileedkii koowaad ee Trump, ayaa u sheegay mowqica Stars and Stripes oo ah website madax banaan oo ka faallooda arimaha ciidanka Maraykanka, in Donald Trump marka uu si rasmi ah ula wareego xafiiska ay suuragal tahay in ciidamada Maraykanka kasoo saaro dalka Soomaaliya.

” Waxaan filayaa in Donald Trump uu doonayo in dhamaan arimaha uu kusoo celiyo halkii uu kaga tagay sanadkii 2020-ka” ayuu yiri masuulkan Ameerikaanka ah ee la hadlay mowqica Stars and Stripes.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu J. Pater Pham yiri ” Runtii maadaama musuq-maasuqu xitaa gaaray ciidankii Danab, waxaa muuqata inaaney Muqdisho inoo joogin saaxiibo waxtar leh, sidoo kale majirto wax quseeya amnigeena qaranka oo yaala Soomaaliya taasoo aan halis u gelin karno dhiiga Ameerikaanka”. ayuu yiri.

Fariiqa Donald Trump oo uu webiste-ka qoray warbixintan isku dayay inuu la xiriiro, su’aalana ka weydiiyay arimahan, ayaa ka gaabsaday iney wax jawaab ah ka bixiyaan arintan.

Donald Trump ayaa markii uu xilka ka degayay mudo xileedkiisii hore wuxuu Soomaaliya ka saaray, ugu yaraan 700 oo askari oo Ameerikaan ah, laakiin Joe Biden ayaa markii uu xafiiska la wareegay wuxuu dib ugu soo celiyay dalka Soomaaliya 500 oo askari.

Waayadii u dambeysay waxaa soo badanayay masuuliyiinta Ameerikaanka iyo aqoonyahankooda tilmaamay, inaaney marmarsiyo u heli karin duullaanka ciidankooda ee Soomaaliya, islamarkaana aaney jirin halis la xiriirta amnigooda qaranka oo kaga imaaneysa Soomaaliya, sidaasi darteedna ay lama huraan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro duullaanka ay ciidamada Maraykanka ku joogaan dalkan.

Halkaan ka Degso Warka Mareykanka

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments