Wednesday, January 8, 2025
HomeAll NewsAl-Kataa’ib oo Baahisay Qeybta 05-aad Tixanaha “Geedigii Gurguurte…Guul Mise Gebidhacleyn”.

Al-Kataa’ib oo Baahisay Qeybta 05-aad Tixanaha “Geedigii Gurguurte…Guul Mise Gebidhacleyn”.

Waa qeybta shanaad ee taxanaha “ Geeddigii Gurguurte, Guul mise Gebidhacleyn” oo ay mu’assasada warbaahineed ee Al-Kata’aib ku falanqeyneyso colkii mudada laba sano ahayd uu Xasan Sheekh Maxmuud kusoo qaaday deegaannada lagu maamulo Shareecada Islaamka ee Wialayaadka Islaamiga.

Qeybtan waxaa lagu soo bandhigayaa sida dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud aaney ugu guul dareystay iney wax u qabato dadkii ay sheeganeysay iney iyadu dowlad u tahay, masaa’ib Rabaani ah oo dalka ka dhacay labadii sano ee lasoo dhaafay ayaana banaanka soo dhigay in Xasan Sheekh Maxmuud aanu dhib mooye dheef ugu maqaneyn umadda Soomaliyeed.

Fatahaadii dalka ku dhuftay gaar ahaan gobollada Gedo iyo Hiiraan, ayay dowladda Xasan Sheekh Maxmuud indhaha ka fiirsatay, heer xitaa ay musuq maasuqday intii yareyd ee ay beesha Caalamku ka heshey.

Masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Federaalka ayaa qiraya sida filimkaa lagu soo bandhigayo, inaaney dowladda Federaalka waxba ka qabanin masaa’ibta iyo culeesyada qabsaday shacabka Soomaaliyeed. 

Si ka duwan dowladda Federaalka, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo wajaheysay dagaal adag, ayaa hadana dhanka kale waxay masuuliyad iska saartay u gurmashada dadka tabaaleysan ee kudhaqan deegaannada lagu maamulo Shareecada Islaamka ee Wilaayaadka Islaamiga.

Wuxuu filimku soo bandhigayaa howlo ballaaran oo isuga jira daad gureynta dadka kunool deegaannada fatahaadu saameeyeen, daweynta dadka bukaannada ah iyo in la siiyo gurmad raashiin oo kala duwan, kuwaasoo labadii sano ee ugu dambeysay maamulllada Wilaayaadka Islaamigu gaarsiiyeen dadka tabaaleysan.

Sida ka muuqata isdaarka, masuuliyiinta saree e Xarkaada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee maamullada Islaamiga ayaana u kala harin howlaha gurmadka ah, waxayna tilmaameen in tani ay tahay waajib diineed iyo xuquuq ay ka mudanyihiin dadkooda oo ay gudanayaan.

Mid kamid ah furimaha dagaalka ee uu Xasan Sheekh Maxmuud ku sheegay inuu ka weerarayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu ahaa dagaalka xaga fikriga ah, filimka ayaa soo bandhigaya sida uu ugu guul-dareystay Xasan Sheekh Maxmuud inuu Umadda Soomaaliyeeda ka dhaadhiciyo in isaga iyo Shisheeyaha ay isbarkanyihiin ay ku taaganyihiin wado sax ah, wiilasha xornimo doonka ahna ay yihiin kuwa khaldan.

Si looga hortago olole dagaalkeeda xaga fikriga ah, waxay maamullada Wilaayaadka Islaamiga ah abaabuleen kulamo ballaaran oo la isugu keenay hormuudka bulshada, oo isuga jira culimada, waxgaradka iyo masuuliyiinta, waxaana dhamaan kulamadaas kasoo baxay in la isgarab taago Mujaahidiinta, lagana hortago gulufka lagu soo qaaday wilaayaadka Islaamiga.

Wadaadadii ay Dowladda Federaalka ku kulmisay hotellada dhegxaanta lagu geedaamay ee Muqdisho, ayaa noqday kuwa lagu maadeystay, ayna ku dhiiradeen hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.

Labada sano ee uu Xasan Sheekh Maxmuud duullaanka ku ahaa Wilaayaadka Islaamiga, waxay xeryaha tababarada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab soo galay kumanaan dhalinyaro Jihaad doon ah, kuwaasoo ay soo kciisay fataawidii culimada iyo istinfaarkii hogaanka Mujaahidiinta.

Dhanka warbaahinta, Dowladda Federaalka ayaa ku jabtay dagaalka iclaamka, waxaana riwaayadeedu noqotay mid aan la isku halleyn karin, oo ay tuhusanyihiin xitaa taageeriyaasheeda.

Si ka duwan, warbaahinta maqalka iyo mida muuqaalka ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kasoo dhalaashey howshii ay ku aadanayeen, halka kaamira maannada Al-Kataa’ib ay xaadir ku ahaayeen furimaha dagaalka, waxay wariyaasha idaacadda Al-Andalus iyaguna si joogta ah ugu gudbinayaan bulshada ku nool wilaayaadak Islaamiga ah hadba halka uu marayo xaalka.

Dhanka kale ciidamadii lagu soo tababaray dalka dibadiisa ee u adeegayay danaha Shisheeyaha ayaa buutka lagula tuntay, kuwasoo noqday badnkood wax la dilo, wax isasoo dhiiba iyo kuwa fiigay dalka oo dibadaha tahriib u aaday, masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ayaana qiray xaqiiqdan.

Hadaba labo sano iyo soo afjaranka gulufkii Xasan Sheekh Maxmuud kusoo qaaday Wilaayaadka Islaamiga, waxay khubarada ka faallooda arimaha amniga tilmaamayaan in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay isku diyaarineyso dowladnimo iyo iney Soomaaliya isku fidiso, waxa la sugtaana ay tahay iyadoo weerar ah, maadaama colkii Xasan Sheekh Maxmuud ay iska dafcisay.

Halkaan ka Degso Warbixin- Geeddigii Gurguurte 05

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments