Wednesday, January 1, 2025
HomeWarka DibaddaIn ka Badan 17 Askari oo Xukuumadaha Maali iyo Burkiina-Faaso Looga Dilay...

In ka Badan 17 Askari oo Xukuumadaha Maali iyo Burkiina-Faaso Looga Dilay Weeraro ka Dhacay Dalalkaasi.

Mid kamid ah weeraradii ay fuliyeen Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin todobaadkii lasoo dhaafay wuxuu ahaa, kamiin ka dhacay Galbeedka magaaalada Bamako ee caasimadda wadanka Maali, waxaana lagu laayay ciidamo badan oo katirsan dowladda Maali.

Weerarkan oo ahaa mid culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa waxaa Maali looga dilay 10 askari , halka laga burburiyay afar gaari, geesta kalena laga furtay. hub, gaari iyo rasaas kala duwan.

Sawirro ay baahisay Jamaacada ayaa muujinaya inta uu la egyahay weerarka ka dhacay duleedka caasimadda wadanka Maali, waxaana dhulka howdka ah iyo halka kamiinku ka dhacay oo ah waddo laamiya hareeraheeda bilqan, meydadka askar rasaastu ka haleeshay meelo kala duwan, halka gadiidkuna uu ku dhinac gubanayo.

Sido kale sawirada waxaa lagu arkayaa, gaariga hub iyo rasaasta ay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin kusoo furteen kamiinka.

Dhanka kale, weeraro toos ah iyo qaraxyo ayaa lagu beegsaday ciidamada Burkiina-Faaso, kuwaasoo ay ka dhaxleen khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed intaba.

Haddii ay ku horreyno qaraxyada, weerar qarax ah oo dhacay gobolka Diidoqo ee dalka Burkiina-Faaso ayaa lala beegsaday, gaari ay leedahay xukuumadda dalkaasi, waxaana gebi ahaanba qaraxa ku burburay gaarigii labeegsaday, iyadoo ay ku le’deen dhamaan askartii saarneyd.

Sido kale isla qarax kale oo lala beegsaday askar katirsan kuwa Burkiina-Faaso ayaa ka dhacay gobolka Baanqoora ee dalkaasi, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare.

Dhinaca kale ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ayaa weeraray xarumo ay ciidamada xukuumadda Ouagadougou ku leeyihiin deegaano dhowr ah oo katirsan dalkaasi, waxayna xarumahaasi ku dileen 7 askari oo katirsanaa askartii la weeraray, iyagoo sido kale ka furtay hub iyo agabyo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments