Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in Dowladda Turkiga ay tahay cadowga 1-aad ay umadda Soomaaliyeed.
Dadkaan oo aragtiyo ka dhiibanayay xadgudubyada ay Dowladaha Shisheeye ka wadaan dalka ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in dowladda Turkiga ay tahay cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed.
Waxa ay tilmaameen in xukuumadda Ankara ay Dowladda Xabashida Itoobiya u beylihineyso kheyraadka Soomaaliya, islamarkaana aysan aheyn mid ka shaqeynaysa masaalixda dalkaan.
Dowladda Itoobiya ayay sheegeen iney duullaan gardarro ah ku joogto Soomaaliya, ayna dooneyso iney dhul horleh qabsato.