Dowladda Fedaraalka ayaa ciidamo badan geysay deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Sh-dhexe, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno ay ku raadinayaan maleeshiyaad katirsan Macawiisleyda oo tiro askar ah ku dilay deegaankaas.
Askarta la dilay oo tiradoodu aheyd 7 askari, ayaa waxa ay Dowladda Fedaraalka dilkooda usoo qabatay odayaal iyo haween kamid ah dadka deegaanka.
Tani ayay dadka ku dhaqan mandiqaddaasi sheegeen iney sii hurin karto colaadda ka jirta gobalka, maadaama ay Dowladda Fedaraalka ku eedeeyeen iney kusoo xad gudubtay dadka rayidka ah.