Friday, December 27, 2024
HomeWarka DibaddaCiidamo Katirsan Imaarada Islaamiga ah oo Weeraray kuwa Xukuumadda Bakistaan.

Ciidamo Katirsan Imaarada Islaamiga ah oo Weeraray kuwa Xukuumadda Bakistaan.

Kadib markii habeen hore diyaaradaha dagaalka ee xukuumadda Islaama-Baad duqeymo ku xasuuqeen dad badan oo ay ku jiraan caruur iyo haween, waxay shalay ciidamada Imaarada islaamiga ah weerar aargud ah ku qaadeen fariisimo ay askar katirsan kuwa Bakistaan ku leeyihiin gudaha dalkaasi.

Ciidamada Imaarada Islaamiga ah ayaa weerarka ay qaadeen waxay ku ekeeyeen, dhowr fariisin oo ay leeyihiin kuwa dowladda Bakistaan, wuxuuna muuqaal laga soo duubay goobta dagaalku dhacay muujinayaa qiiq ka baxaya goobaha la wareeraray, halka la maqlayo xasaas xooggan oo la is dhaafsanayo.

Wali wax faahfaahin kama aanan helin dagaalkan iyo waxyeellada uu geystay inta ay la eg tahay, waana mid wali socda oo soo gaaray illaa iyo xalay, waxayna ciidanka Imaaradu heleen gurmad kaga yimid dhanka wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Islaamiga ah ee Daalibaan.

Dhanka kale, waxaa faahfaahin laga helayaa, duqeymihii ay diyaaradaha dowaldda Bakistaan ka geysteen dalka Afqaanistaan, waxayan shuhadadu gaareen illaa 46 ruux oo ay ku jiraaan haweeen iyo caruur, halka dhaawacuna 6 marayo.

Duqeymahan ayaa ka dhacay degmada Barmal ee katirsan gobolka Baktiika, mana ahan markii ugu horreysay oo ay dadka reer Afqaanistaan xasuuqdo xukuumadda Islaama-Baad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments