Dad bukaanno ahaa ayaa oo ay saameysay xayiraaddii duulimaadka ee ay Dowladda Fedaraalka saartay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa ku geeriyooday gudaha magaaladaas.
Tan iyo wixii ka dambeeyay xayiraaddii ay Dowladda Fedaraalka saartay duulimaadyadii ka bixi jiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lasoo warinayaa in taasi ay ka dhalatay iney dad ku dhintaan halkaas.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ugu magacaaban maamulka la baxay Jubbaland ayaa xaqiijiyay, in dad bukaanno ah oo ay geeriyoodeen, kadib xayiraaddii duulimaadka ee ay Dowladda Fedaraalka saartay garoonka diyaaradaha ee magaalada.