Subaxnimadii hore ee maanta xukuumadda Mooskoow ayaa gentaallo Balaastika ah ku weerartay xukuumadda Ukraine, kuwaasoo ay la beegstay magaalada Khaarkeef oo ah tan labaad ee ugu ballaaran wadankaasi.
Gentaalladan oo ahaa kuwo xooggan ayaa sababay burbur aad uweyn oo ku yimid, dhismayaasha dhulka hoostiisa ah ee ku yaalla magaalada, kadib markii ay halkaasi ku dhaceen.
Xaakimka magaaladan ayaa war uu soo saaray ku sheegay in 7 gentaal ay kusoo dhaceen magaaalada wali ay socdaan duqeymaha, 3 ruux ayuuna sheegay ine ku dhaawacmeen gentaalladan.
Dhanka kale dowladda Ruushka ayaa maanta sheegtay iney soo ridday 59 diyaaradood oo nooca Droneska ah islamarkaana ay leedahay Dowladda Ukriane, halka ciidanka cirka ee Ukraine dhankooda sheegeen iney gentaallo Kuruuz ah ka tuureen badda Madow, in kastoo aysan cadeyn halka ay ku wajahan yihiin.