Dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Xabashida Itoobiya waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday, dagaallo culus oo udhexeeya Maleeshiyaadka Liyu Bolis ah oo ah ciidan ay tababaratay Dowladda Xabashida, kuwaas oo ay ku gumaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan dhulkaas, iyo dadka deegaanka Dacawaley.
Muddo hadda ku qiyaasan 6 maalmood kahor, waxa ay dagaallo culus ka qarxeen deegaanka lagu magacaabo Dacawaley oo katirsan gobalka Faafan islamarkaana kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Dowladda Xabashida Itoobiya.
Haddaba maxaan kala soconnaa dagaallada u dhaxeeya Maleeshiyaadka Liyu Bolis iyo dadka deegaanka ee maalmihii lasoo dhaafay sida xiriir ah kaga socday deegaanka Dacawaley ee dhulka Soomaali-galbeed?, sidee ayayse colaaddu ku billaabatay? ku dhageyso falanqeyntaan hoose.