Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaECFR: Xarakada Al-Shabaab Waxay Isku Ballaarineysaa Soomaaliya. .

ECFR: Xarakada Al-Shabaab Waxay Isku Ballaarineysaa Soomaaliya. [Warbixin].

Warbixin uu soo saaray machadka diraasaatka Eurepian Council ee cilaaqaadka arimaha dibadda, magaciisana loo soo gaabiyo ECFR, ayaa lagu muujiyay walaac la xiriira kororka awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Dowladda Federaalka iyo Itoobiya, kaasoo saameyn kara duullaanka Shisheeyaha ee dalkan.

Warbixinta oo uu qoray Corrado Cok, oo ah qoraa ka faallooda arimaha qaaradda Afrika, aqoonna u leh arimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, horeyna uga soo shaqeeyay dalalka Kenya, Jabuuti iyo Soomaaliya, ayuu hoosta kaga xariiqay in marba marka xigta ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusii xoogeysaneyso Soomaaliya.

Wuxuu soo hadal qaaday qoraaga weerarkii duqeynta ahaa ee dhawaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsadeen Xerada Xalane, kaasoo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

“ Axaddii aynu soo dhaafnay, saldhig milliteri oo ku yaala bartamaha Muqdisho, hooyna u ah masuuliyiin katirsan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’ado caalami ah, ayaa la kulmay weerar duqeyn ah, durbana waxaa masuuliyada sheegtay Xarakada Al-Shabaab, oo u xusul duubeysa iney rido Dowladda Federaalka, tanina waxay muujineysaa xaaladda cakiran ee dalka, iyo sida ay weerarada hubeysan uga dhacayaan meel weliba” ayuu yiri qoraaga warbixinta.

Warbixintan uu daabacay Xarunta Europian Council ee Cilaaqaadka dibadda, waxaa lagu sheegay inaaney xaqiijin olole dagaaleedkii labadii sano ee lasoo dhaafay ka socday Soomaaliya, kaasoo lagu doonayay in lagu burburiyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Inkastoo meelaha qaar horumar laga sameeyay olole dagaaleedkii lagu qaaday Al-Shabaab, hadana weli gacanta sareysa waxaa iska leh Xarakada Al-Shabaab, oo wei maamuleysa deegaanno ballaaran oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka” ayay leedahay warbixinta.

Qoraaga warbixintan qoray ee lagu magacaabo Coraddo Cok, wuxuu sheegayaa iney jirto cabsi xoog leh oo la xiriirta iney Al-Shabaab isku ballaariso dhul horleh, maadaama buu yiri ay is diidanyihiin oo uu khilaaf adag ka dhexeeyo dhinacyadii xulafada ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warbixintan cusub waxay soo hadal qaadeysaa xiriirka iskaashiga xaga difaaca ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Masar, iyadoo tilmaameyso in heshiiskaasi uu halis gelinayo mustaqbalka duullaanka Shisheeyaha, maadaama Itoobiya ay kamid tahya dalalka ugu badan ee ay ciidamadeedu qeybta ka yihiin isbaheysiga Midowga Afrika.

Waxay leedahay warbixinta “ Heshiiska Masar iyo Dowladdda Federaalka, wuxuu sidoo kale iska hor keeni doonaa xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada, taasoo keeni karta firaaq amni oo cida buuxineyso ay tahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab”.

Duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee ATMIS oo waqti ahaan ku eg sanadkan sii dhamaanaya ee 2024-ka, ayay warbixinta ay baahisay xarunta Europian Council on Foreign Relations tilmaameysaa iney abuureyso firaaq amni oo aan illaa iyo hadda cadeyn cida buuxineyso.

“ Inkastoo diblumaasiyiintu ay ku dadaalayaan sidii loo dhisi lahaa howlgal cusub, hadana qodobada la xiriira maalgelinta iyo cida kamid noqoneysa ayaa saameyn ku yeelan doonta amniga Soomaaliya mustaqbalka dhow” ayuu leeyahay qoraaga warbixinta.

Khilaafka ka dhextaagan Dowladda Federaalka iyo Itoobiya, iyo isku soo dhawaanshaha AlQaahira iyo Villa Soomaliya, ayay warbixintu tilmaameysaa iney abuuri karto fursado ay ka faa’ideysan doonto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoo Itoobiya aaney sinnaba u ogolaan doonin iney ka jilba laabato dalkan, halka Masarna aaney u fududeyn iney ciidamo kumanaan askari ah kasoo dejiso magaalada Muqdisho.

Haddii ay sidan wax ku socdaan, waxay warbixintu ka digeysaa suurtogalnimada in Soomaaliya ka dhacaan wax lamid ah wixii ka dhacay Afqaanistaan, xilligii ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO ay isaga cararayeen dalkaas.

“ Haddii aan la qaadin tallaabo degdeg ah, Xarakada Al-Shabaab waxay ka faa’ideysan doontaa kala qeybsanaanta iyo khilaafka jira, taasoo horseedi karta fashil amni oo weyn, oo saameyn kara mandiqadda Geeska Afrika iyo Badda Cas” ayay leedahay warbixinta uu daabacay majliska Yurub ee cilaaqaadka dibadda, oo ah xarun sameysa dirasaatka ka faallooda amniga iyo siyaasadda.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments